Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu xafiiskii Kheyre ka ogaa qorshaha lagu qaaday dhalinta la geeyay Eritrea?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalmihii u dambeeyay si weyn isku soo tareysay xiisada ka dhalatay dhalintii kal hore tobabarka ciidanimo loogu qaaday dalka Eritrea, kuwaasi oo laga deyrinayo xaaladooda caafimaad tan iyo markii laga dejiyay dalkaas.

Hanaanka loo maray qorista Askarta tobabarka loogu qaaday Eritrea ayaa la isku raacay inuu ahaa mid baal-marsan nidaamka ay dowladda ku qorto Askarta ay tobabarka ugu qaadeyso dalalka deriska, ayada oo qaabka loo maray qaadistooda uu ku daboolna mugdi iyo shaki badan.

Haddaba, kaalin ma kulahaa xafiiskii ra’iisal wasaare Kheyre oo xiliga uu socday qorshaha lagu qaadayo Askartaas joogay xafiiska?

Samiira Axmed Gaydh oo aheyd La-taliyihii dhanka Amniga Qaranka ee xiligii ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre, ayaa sheegtay xafiiska Kheyre uu xiligaas waxba kala socon qorshaha lagu qaaday Askartaas.

Samiira oo la hadashay idaacada VOA-da ayaa waxay sheegtay inuusan jirin heshiis rasmi ah oo xukuumadda saxiixay, kaasi oo dhigaya in dhalinyaro Soomaaliyeed tobabar loogu qaado dalka Eritrea.

“Heshiis kasta oo ciidan dal kale loogu qaadayo waxaa la keena golaha wasiiradda oo meeshaasa lagu faah-faahiya oo tallo laga bixiyaa. Ciidamada loo qaaday Eritrea-na majiro xataa Wasiir saxiixay, anagana nama soo marin,” ayey tiri Samiira Gaydh oo hore u aheyd La-taliyihii dhanka Amniga Qaranka ee ra’iisal wasaarihii hore ee dalka.

Sidoo kale waxay sheegtay in qorshaha lagu qaaday dhalintaas iyo qaabka qoristoodaba ay si gaar ah uga wada-shaqeynayeen xafiiska madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Farmaajo iyo Hay’adda Nabad-sugidda NISA.

Si kastaba, dhalinyarada tobabarka ciidanimo loogu qaaday dalka Eritrea ayaa waxaa laga deyrinayaa xaaladooda nololeeda, ayada oo ay soo baxday in qaar kamid ah dhalinyaradaas ay kasoo baxsadeen xeryihii lagu tobabaray, halka kuwa kalena ay wajahayaan tacadiyo ka baxsan tobabarkii la sheegay in loo qaaday.

The post Muxuu xafiiskii Kheyre ka ogaa qorshaha lagu qaaday dhalinta la geeyay Eritrea? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this