Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Musharax Darmaan oo soo gaaray MUQDISHO

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharax Madaxweyne Cabdinuur Axmed Darmaan ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay maanta garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho.

Soo dhaweyntiisa ayaa waxaa qeyb ka ahaa siyaasiyii, waxgarad, aqoonyahano iyo haween kuwaasi oo dareen farxadeed umuujiyay.

Imaam Cabdullaahi Khaliif oo ah Imaamka Beelaha Habargidir ayaa sheegay in ay si weyn ugu faraxsan yihiin imaanshiyaha Darmaan iyo Musharaxnimadiisaba.

“Cabdinuur Darmaan waxa ay Soomaalidu ku xasuusataa waxyaaba badan, waa nin aan dagaaladii sokeeye ka qeybqaadan, sidoo kale waxa uu ku amaanan yahay in maxaabiis badan uu xabsiyada ka soo daayay xilli dowladnimadu marxlad adag ku jirtay,” ayuu yiri Imaam Cabdullaahi Khaliif.

Sidoo kale, Suldaan Mahdi oo kamid ah Salaadiinta Soomaaliyeed ayaa carabka ku adkeeyay in Musharax Madaxweyne Cabdinur Darmaan uu yahay siyaasi aan wax garaafo ah laheyn, sida uu yiri.

Musharax madaxweyne Cabdinuur Axmed Darmaan oo dadkii soo dhaweeyay lahadlay ayaa u mahadceliyay isagoo tilmaamay in dalku uu u baahan yahay badbaado.

WhatsApp-Image-2021-06-17-at-10.24.26-AM WhatsApp-Image-2021-06-17-at-10.24.27-AM WhatsApp-Image-2021-06-17-at-10.24.27-AM WhatsApp-Image-2021-06-17-at-10.24.28-AM WhatsApp-Image-2021-06-17-at-10.24.28-AM WhatsApp-Image-2021-06-17-at-10.24.29-AM WhatsApp-Image-2021-06-17-at-10.24.29-AM WhatsApp-Image-2021-06-17-at-10.24.30-AM WhatsApp-Image-2021-06-17-at-10.24.31-AM WhatsApp-Image-2021-06-17-at-10.24.32-AM WhatsApp-Image-2021-06-17-at-10.24.32-AM WhatsApp-Image-2021-06-17-at-10.24.33-AM WhatsApp-Image-2021-06-17-at-10.24.33-AM WhatsApp-Image-2021-06-17-at-10.24.34-AM 

The post Sawirro: Musharax Darmaan oo soo gaaray MUQDISHO appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this