Sign in to follow this  
Deeq A.

Rooble oo war cusub kasoo saaray guddiga doorashada

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in dhawaan la shaacin doono liiska guddiyada doorashooyinka heer Federaal iyo heer dowlad goboleed.

Rooble ayaa hadalka sheegay isaga oo maanta golaha wasiirada, oo Muqdisho ku shiray siiyey warbxin kooban oo ku aadan hirgelinta hannaanka doorashooyinka dalka kadib heshiiskii laga gaaray is-mari waaga doorashada.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in xubnihii guddiyada ee wax ka badalka lagu soo sameeyay oo ahaa 34 la soo wada dhammeystiray, islamarkaana hadda waxa harsan ay tahay kaliya in liiska guud uu shaaciyo xafiiskiisa.

Madaxweynaha Galmudug oo ahaa kii ugu dambeeyey ayaa maanta Rooble u gudbiyey xubnaha guddiga doorashada ee matalaya Galmudug, wuxuuna magacaabay saddex xubnood oo guddiga doorashada ah iyo xubin guddiga xalinta khilaafaadka ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay in dalka ay ka dhici doonto doorasho hufan oo daah furan, iyadoo oo sida uu sheegay la ilaalinayo qoondada haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin goleyaasha qaran ee la soo dooranayo.

Dhinaca kale, Golaha Wasiirada ayaa maanta warbixin ku saabsan amniga guud ee dalka ka dhageystay Wasaaradaha Amniga iyo Gaashaandhigga, waxayna tilmaameen in howlaha lagu xaqiijinayo amniga ay si wanaagsan soconayaan, iyadoo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay sii wadaan xoreynta deegannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisadu, jab xoogganna ay gaarsiiyeen, sida ay hadalka u dhigeen.

Dhanka kale, Wasiirka Wasaaradda Gar-gaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa Golaha u soo bandhigtay xaaladda deegannada ay saameeyeen fatahaaduhu iyadoo xustay dadaallada dowladdu ay hoggaaminayso ee gurmadka loogu fidinayo dadkeenna ay saameeyeen fatahaaduhu.

Ugu danbeyn Golaha ayaa cod aqlabiyad leh ku meel-mariyey Habraac Shaqo siinta dibadda ee Shaqaalaha Xoogsatada Soomaaliyeed oo ay soo diyaarisay, golahana horkeentay Wasaaradda Shaqada & Shaqaalaha.

The post Rooble oo war cusub kasoo saaray guddiga doorashada appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this