Deeq A. Posted June 16, 2021 Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay kulan casho ah la yeeshay Ganacsatada Puntland. Sida lagu sheegay war ka soo baxay madaxtooyada Siciid Deni ayaa la wadaagay ganacsatada horumarka dalka ka socda iyo guulaha dowladdu ka gaartay dhinacyada Amniga, Dimuqraadiyadda, Kaabayaasha dhaqaalaha , Arrimaha Bulshada iyo Tayeynta Hay’addaha Dowladda. Madaxtooyadu waxay sheegtay in madaxweynuhu Ganacsatada uga mahadceliyay Shaqada wanaagsan ee socota iyo isbedelka dhabta ah ee muuqda. Waxayna la wadaageen Madaxweynaha inay diyaar u yihiin wixii doorkooda ah inay sii laba jibaaraan ka qeyb qaadashada horumarka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo kulan Casho ah la yeeshay Ganacsatada appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites