Sign in to follow this  
Deeq A.

Kim Jong Un oo ka deyriyay xaaladda dalkiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Hoggaamiyaha Korea-da Waqooyi Kim Jong Un ayaa ka deyriyey xaaladda cunta-yarida ka jirta dalkiisa, sida laga soo xigtay warbaahinta dowladda.

Kim ayaa sheegay in dhaqaalaha dalkiisa uu sanadkan horumar sameeyey, balse wuxu ku baaqay tallaabooyin wax looga qabanayo xaaladda cunta-yarida food-saartay dalkaas.

Kim ayaa hoggaamiyey kulan ay yeesheen xisbiga Talada haya ee shaqaalaha, kaasi oo dib u eegis loogu sameynayey siyaasadaha waa weyn ee dalka, laguna dejinayey tallaabooyin lagu xalinayo xasaradaha dhaqaale ee dalkaas.

Kim ayaa sheegay in si guud dhaqaalaha Korea-da Waqooyi uu barkii hore ee sanadkan horumar sameeyey, ayada oo wax soo saarka warshadaha uu sare u kacay 25%, marka loo eego sanad kahor, sida ay sheegtay warbaahinta.

Xisbiga ayaa wacad u maray in uu dhammaan dadaallada isugu geyn doono beerashada sanadkan.

PUNTLAND POST

The post Kim Jong Un oo ka deyriyay xaaladda dalkiisa appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this