Sign in to follow this  
Deeq A.

Turkiga oo lagu amaanay martigelinta Qaxootiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Wakiilka Qaramada Midoobay e hay’adda qaxootiga ayaa sheegay in Turkigu uu marti-geliyo qoxootiga ugu badan adduunka

Philippe Leclerc, oo ah wakiilka Hay’ada Qaxootiga ee Qaramada Midoobay ee UNHCR ayaa sheegay in taageero dheeri ah ay u fidiyaan Turkiga,waxaan ku faraxsanahay in uu ka shaqeeyo dalka turkiga oo arinta qaxootiga si xilkasnimo leh oo dhab ah u wajahaya wuxuu xusay in turkigu siiyo waxbarasho iyo helitaanka shaqo qaxootinimada.

Maalinta Qaxootiga Aduunka oo sanadkasta ay xusaan UN-ka 2000 si loo qadariyo Qaxootiga aduunka oo dhan ayaa maalinta 20-ka Juun waxaa loo dabaaldegaa si looga wacyigaliyo xaalada Qaxootiga aduunka oo dhan.

Dawladda turkiga ayaa lagu xasuustaa garab istaaga qaxoontiga Suuriya iyadoo xuduudkooda u furay ka dib dagaalkii ka qarxay horaantii 2011.

PUNTLAND POST

The post Turkiga oo lagu amaanay martigelinta Qaxootiga appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this