Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabdirakiin Axmed Mooge oo noqday Maayirka Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16239331269496991.jpg?resize=714%Cabdirakiin Axmed Mooge

Xubnaha cusub ee golaha deegaanka degmada Hargeysa ayaa maanta Cabdirakiin Axmed Mooge u doortay Maayirka cusub ee caasimadda Somaliland, sidoo kale Maayir ku xigeenka ayaa loo doortay Axmed Cumar.

Cabdirakiin Axmed Mooge waxaa doortay dhammaan golaha deegaanka degmada Hargeysa oo ka kooban 17 xubnood, waxayna natiijada doorashadu ahayd mid horay loo sii ogoo, maadaama uusan jirin musharax la tartamayay.

Maayir Mooge oo ka soo baxay xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa ahaa musharaxii ugu codadka badnaa doorashadii isku sidkaneyd ee dhawaan ka dhacday Somaliland, waxaana taasi sababtay in musharaxiinta Maayirka Hargeysa ee xisbiyada Kulmiye iyo Ucid ay u tanaasulaan Cabdikariin.

Maayir Mooge ayaa markii la dhaariyay kadib warbaahinta la hadlay wuxuu sheegay in uu ka dhabeyn doono ballanqaadyadii uu sameeyay markii uu musharaxa ahaa, sidoo kale wuxuu u mahadceliyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo sheegey in uu mideeyay golaha deegaanka Hargeysa.

PUNTLAND POST


The post Cabdirakiin Axmed Mooge oo noqday Maayirka Hargeysa appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this