Sign in to follow this  
Deeq A.

Mayarka Iyo Maayir Ku-xigeenka Magaalada Baligubadle Oo Saaka La Doortay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Golaha Deegaanka Ee Magaaladda Baligubadle ayaa yeeshay Fadhigoodii ugu horeeyay, Waxaanay Iska Dhex Doorteen Mayor Iyo Ku Xigeen Cusub.

Fadhigan Waxa Ka soo xaadiray 8 Xubnood, Waxaana maqnaa Oo aan Goobta imani Hal Xubin.

Dhaarta Ka dib Golaha Deegaanka Ee Baligubadle ayaa Shiine Cabdi Hayaan oo Xisbiga Kulmiye Ka soo Baxay  U Doortay duqa Magaaladaasi Hogaamin Doonta Haddii Allaah Uu Idmo Shanta Sano Ee soo Socota iyada Oo Ku Xigeenkana Loo doortay Cabdirisaaq Xasan Oo Xisbiga Waddani Ka soo Baxay.

Labadan Xubnood ayaa helay Codad aqlabiyad ah Oo ah 8 Xubnood.

  • 181431309_1432864743780466_6547284143720
  • 201654397_1432864797113794_3260600867641
  • 201808817_1432864887113785_4429030931814
  • 201938377_1432864597113814_6634792752008
  • 201990420_1432864667113807_4540331205994

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this