Deeq A. Posted June 17, 2021 Cabdikariin Axmed Mooge oo ka mid ah musharixiintii ku soo guuleysatay doorashada golaha deegaanka ee gobalka maroodi-jeex ayaa maanta loo doortay maayarka hargeyso. Mooge ayaa ku soo baxay codad kor u dhaafayo 26,000 oo cod doorashadii dhacday 31 may . Cabdikariin ayaana cod aqlabiyad leh kugu guuleystay kadib markii ay mudanayaasha golaha deegaanka gobalka maroodi-jeex ay u codeeyen . Xilka ayuuna kala wareegaya Cabdiraxman Saltelco oo muddo 10 sano ka badan ahaa maayarka hargeysa . Khadar Axmed Nur ayaa dhankiisa loo doortay mayar ku-xigeenka hargeysa. Labada mas’uul ayaa ka socda xisbiyada mucaaradka somaliland UCID iyo WADANI. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites