Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Qoor Qoor iyo Swan oo ku kulmay Dhuusomareb

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wafdi ka socda xubnaha beesha caalamka oo uu horkacayo Wakiilka Gaarka ah ee Xoghaya guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Amb, James Swan ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid iyo mas’uuliyiin ka tirsan labada Gole ee Maamulka Galmudug, kuwaasi oo usii galbiyay madaxtooyada Galmudug.

Kadib imaatinka wafdigan ayaa waxaa Madaxtooyada ee magaalada Dhuusamareeb ku kulmay Madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor iyo Wafdiga uu hoggaaminayo Amb, James Swan.

Kulanka ayaa looga hadlat dar-dar gelinta doorashada, ayada oo labada dhinac ay ka wada-hadleen sidii si dhaqso leh loo hirgelin lahaa howlaha doorashada, gaar ahaan mida deegaanada maamulkaas.

Sidoo kale waxaa looga hadlay kulankaan dhibaatada ka dhalatay Ayaxa oo ku habsaday degaano ka tirsan Galmudug iyo Arrimo kale.

Socdaalka Wafdiga ayaa qeyb ka ah u kuur-gelida xaaladaha ka jira gobollada dhexe, gaar ahaan Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Waxaa aad loo adkeeyay amaanka magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, ayada oo ciidamo dheeraad ah la dhigay waddooyinka qaar ee magaalada, si loo xoojiyo amniga caasimada oo ay ku sugan yihiin wafdi heer sarre ah.

Si kastaba, Kulankaan ayaa imanaya xili ay haatan Soomaaliya isku diyaarineyso doorasho guud oo isugu jirto tan baarlamaanka iyo mida madaxweynaha, taas oo heshiis rasmi ah looga gaaray magaalada Muqdisho.

201370290_4073045772732420_1445182500350 201489663_4073045719399092_4600152247755 199514403_4073045666065764_4220811454698 201225628_4073045602732437_1844978779451 James-Swan.jpeg 202189180_4073045506065780_7566491569484 201029232_4073045472732450_2750439473606 201634646_4073045352732462_5480581504733 200990132_4073045316065799_6798385308132

The post Sawirro: Qoor Qoor iyo Swan oo ku kulmay Dhuusomareb appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this