Sign in to follow this  
Deeq A.

Shil Sababay Dhaawaca 8 Qof Oo Dhacay Jidka U Dhexeeya Gabiley Iyo Hargeysa.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Wararka aan ka heleyno wadada u dhexeeya Magaalada Hargeysa iyo degmada Gabiley ayaa waxaa ay sheegayaan in buur ku taalla wadadaas ay ku soo duntay gaadiid ku socdaalayay laamiga.

Dad ayaa ku soo warramay in laba gaadhi oo mid uu ahaa nooca xamuulka qaado iyo mid kale oo siday dad shacab ay kusoo duntay buurta dhinaca barri ka xigta kaantaroolka Caabdula ee Hargeysa, xili labada gaadhi ay hareer marayeen buurta.

Inta la xaqiijiyay 10 qof oo saarnaa gaadhiga rakaabka ayaa la xaqiijiyay inay dhaawacyo kala duwan soo gaadheen, kuwaasi oo si deg deg ah loogula cararay Xarun Caafimaad oo la geeyay.

Dad ku sugnaa meel aan sidaas uga fogeyn goobta oo maqlay dhawaqa buurta kusoo duntay gaadiidka wadada marayay ayaa tegay halkaas, iyagoona gurmad u sameeyay dadka, waxaana halkaas ku rogmaday labada gaadhi.

  • 1.jpg
  • 201128529_1703195586547933_8745832992467
  • 201134524_1703195609881264_6056697227315

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this