Sign in to follow this  
Deeq A.

Israel oo mar kale duqaysay marinka GAZA

Recommended Posts

Deeq A.   

Israel ayaa sheegtay inay bilowday duqeymo dhanka cirka ah oo ka dhan ah bartilmaameedyada Xamaas ee marinka Gaza, ka dib markii buufimoyoyin qarax sameeyaa kaga yimaaddeen dhanka Gaza.

Qaraxyo ayaa laga maqlay magaalada Gaza subaxnimadii hore ee saaka.

Dhowr buufimooyin oo qarxaya ayaa ka yimi Gaza oo laga arkay Israel gelinkii hore ee Talaadada, taas oo sababtay dab badan oo kacay, sida ay sheegtay waaxda dab damiska ee Israel.

Waa markii ugu horreysay ee uu dagaal qarxo tan iyo 11 maalmood oo dagaal u dhexeeyay labada dhinac uu ku dhammaaday xabad joojin 21-kii May.

PUNTLAND POST

The post Israel oo mar kale duqaysay marinka GAZA appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this