Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Rooble oo isbitaalka ku booqday dhaawacyada Qaraxii Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
2-26.jpg?resize=720%2C480&ssl=1

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqday dhaawacyada dadkii ku waxyeelloobay Qaraxii shalay ka dhacay Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa mid mid u dul istaagay dhaawacyada, iyadoo ay uga warbixinayeen xaaladdooda dhakhaatiirta dabiibaysa, isagoo xaqiijiyey in dowladdu ay ku bixin doonto dadaal kasta sidii ay u heli lahaayeen daryeel caafimaad oo dhammaystiran.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo ku weheliyey kormerkan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa tilmaamay in dhallinyarada Soomaaliyeed ee ay dhaawacyadu soo gaareen ay u muujiyeen Ra’iisul Wasaaraha sida ay uga go’an tahay in ay dalkooda iyo dadkooda difaacaan.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed oo isku duuban ay ka guuleysan doonaan Al-shabaab sida uu hadalka u dhigay.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaare Rooble oo isbitaalka ku booqday dhaawacyada Qaraxii Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this