Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo sheegtay in ay qabsatay Taliskii Al-shabaab ee Gobolka Bari

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka PMPF ee Puntland, ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Taliskii Al-shabaab ku lahayd Buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari.

War Qoraal ah oo ka soo baxay Ciidanka PMPF, ayay ku sheegteen in ay hawlgal qorshaysan ku qabsadeen Taliskii Al-shabaab ee Buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari.

Ciidanka ayaa tilmaamay in ay saldhigaas ku qabteen saanad hub ah, Walxaha qarxa, aaladaha lagu farsameeyo Qaraxyada iyo Tuutayaal.

PMPF kama hadlin, haddii uu jiro iska hor-imaad ka dhacay saldhiga ama  khasaare ka dhashay hawlgalkaas.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo sheegtay in ay qabsatay Taliskii Al-shabaab ee Gobolka Bari appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this