Deeq A. Posted June 16, 2021 (SLT-Qaza)-Israa’iil ayaa sheegtay inay qaadey weeraro dhanka cirka ah, oo ay ku bartilmaameyd saneyso Ururka Xamaas, iyada oo kaga aar gudaneysa buufimo qaraxyo wata oo lagu soo tuurey dhulkeeda. Qaraxyada lagu weerarey magaalada Gaza ayaa laga maqlayey, saacadihii hore ee maanta oo arbacada ah. Buufino dhawr ah ayaa laga soo tuurey dhanka Gaza, iyadoo lagu ganey dhanka iyo Israa’iil aroortii hore ee talaadada Tani waxa ay keentay in xabado la is weydaarsado, sida ay sheegeen ciidanka Israa’iil. Dagaalkii u dhaxeeyey labadan dhinac ayaa xabad joojin laga gaadhey 11 maalmood kahor, oo ku began 21-kii May, ee sanadkan 2021-ka. Dhacdadan u danbeysay ayaa timid kadib markii ay socod ku bareen kooxo Yuhuud ah Bariga Qudus ee ey xoogga ku heysato Isreal talaadadii. Xamaas ayaa kasoo saartey tallaabadan digniin, kuwaasoo maamula magaalada Gaza. Source Share this post Link to post Share on other sites