Deeq A. Posted June 16, 2021 Itoobiya ayaa ka hor timid dalab kaga yimid Golaha Ammaanka ee Jimciyadda Quruumaha ka dhaxeysa, taasoo loogga xaajoonayo biyo xidheenkeeda. Wasiiradda Arrimaha dibadda ee dalalkaJaamacadda Carabta, ee kasocda magaalada Doxa ee dalka Qadar, ayaa ka dalbadey Golaha Ammaanka in tixgalin gaar ah la siiyo walaaca ka jiro biyo xidheenka Itoobiya. Xoghayaha Jaamacadda Carabta, Axmed Abul Gahit, ayaa tilmaamey in iyagu ka dalbadeen Golaha Ammaanka in kulan uu yeesho lagu falan qeeyo biyo xidheenka Itoobiya. Itoobiya ayuu muran wuxuu kala dhaxeeyaa dalalka Masar iyo Sudan, kaasoo ku saabsan sida loo qeybsanayo biyaha wabiga Niil. Waxa ay dhistay itoobiya biyo xidheen ay dooneyso iney ka dhaliso koronto, ha yeeshee sida Sudan iyo Masar ay sheegeen wuxuu biyo xireenkani hoos u dhigi doonaa qulqulka biyaha dalalka soo gaadha. Source Share this post Link to post Share on other sites