Sign in to follow this  
Deeq A.

Norway: Saddex Ruux oo is dhalay oo Maxkamad loo soo taagay qoys soomaaliya oo ay cunsuriyadeeyeen

Recommended Posts

Deeq A.   

 Norway: Saddex Ruux oo is dhalay oo Maxkamad loo soo taagay qoys soomaaliya oo ay cunsuriyadeeyeen

qoys-1.jpg

Aabe norwiiji ah iyo labo wiil oo uu dhalay ayay maanta maxkamad uga bilaabatay magaalada Elverum kadib markii sannad ka hor ay halkaasi uga soo guureen cunsuriyad ay ku hayeen in muddo ah qoys soomaaliyeed oo ka kooban hooyo iyo lix carruur oo ay dhashay.

Aabaha fal-dambiyeedka loo haysto oo magaciisa la qariyay ayaa da`diisa lagu sheegay 55-jir, halka labada wiil ee uu dhalay da`aadooda iyana lagu kala sheegay 18 iyo 16 sano jir.

Hooyo Faadumo Bulxan oo muddo toboneeyo sano daganeyd magaalada Elverum, kuna ilmo dhashay ayaa ka cabaneysay aabahan iyo labadiisa wiil in muddo ah, waxaana sannadkii tagay xoogeystay cadaadiska kaga imaanayay ninkan oo isugu jirtay gacan-ka-hadal iyo hanjabaad taas oo ugu dambeyn ku khasabtay hooyo Faadumo in ay isaga soo cararto magaaladaasi, una soo guurto caasimadda Oslo.

Labada wiil ee uu ninkani dhalay ayaa loo haystaa in ay biro iyo eey ku ceydhsadeen labo wiil oo ay dhashay hooyo Faadumo iyo shan carruur oo kale kuwaas oo iyana ahaa ajaaniib aan dalka Norway u dhalanin. Waxa ay ku qeylinayeen markii ay ceydhsanayeen erayo ay ka mid yihiin «neger» iyo «Nav er den veien» oo xarafka dambe micnihiisu yahay “Wadada xafiiska ceydhu waa tanaa”.

Aabaha ayaa isna loo haysaa in uu hooyo Faadumo iyo laba gabdhood oo ay dhashay ku ceydhsaday gurigooda, isagoona ugu hanjabayay in uu dili doono. Hooyo Faadumo ayuu ugu dambeyn wax aan la cadeyn uga dhuftay dhabarka.

Qareen u hadlay aabahan iyo labadiisa wiil ayaa warbaahinta NRK u sheegay in uusan qeysan wax dambi ah, isagoona iminka ka qoomameynaya in arrintani ay si weyn u saameysay nolosha qoyskiisa, uuna iminka diyaar u yahay in ay dhinac u dhacdo.

Maxkamadda ayaa lagu wadaa in ay go`aan ka gaahdo kiiskan kaddib dhageysiga labada dhinac.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this