Sign in to follow this  
Deeq A.

Isreal Oo Markale Weerartay Gaza

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumadd Isreal ayaa markale werar ku qaadday marinka Qaza kadib muddo ay xabad joojin ka dhaqan gashay marinka .

Maamulka yahuudda ayaa sheegay in ay ka jawaabeen kadib duqeymo ay fuliyen ururka difaaca muslimiinta Falastiiniyiinta ah ee Xamaas, oo ay sheegen in ay weraro ay u adeegsadeen buufino lagu soo riday waxyaabaha qarxa.

21-may ayeey aheyd markii labada dhinac xabad joojin la dhex dhigay kadib muddo todobaadya ah oo ay yahuudda gabood fallo aan loo meel dayin ka geysaneysay dhulka barakeysan.

Tira gantaalla ah ayeey Isreal ku qaadday dhulka Falastiniyiinta difaaca dhulka barakeysan ku jirta.

Dhanka Xamaas ayaana welli ka hadlin eedeyntan kaga timid maamulka cusub ee yahuudda oo todobaadkaan talada la waregay kadib markii Benjamin Netanyahu oo 12 sano haystay Isreal.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this