Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Puntland oo hub iyo qaraxyo ku qabtay gobolka Bari

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gallo ciidamada ammaanka Puntland ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka Bari, gaar ahaan saldhig kooxda Al-Shabaab ay ku laheyd dhulka buuraleyda ee gobolkaasi.

Qoraal kasoo baxay taliska ciidamada gaarka ah u tababaran ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada ay howl-galladaasi ku qabteen saanad hub ah, qaraxyo iyo aalado laga sameeyo walxaha qarxa.

Sidoo kale qoraalkan ayaa waxaa lagu shaaciyey in ciidamadu ay cagta mariyeen saldhig ay kooxda Al-Shabaab ku laheyd Buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari.

“Saldhig Talis ah, Saanad Hub ah, Walxaha Qarxa, Aaladaha lagu farsameeyo Qaraxyada iyo Tuutayaal ayay ciidamada Puntland ee PMPF ka qabteen Al-Shabaab, hawlgal ay ka sameeyeen buuralayda Cal-miskaad ee gobolka Bar,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska.

Taliska ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Puntland ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan deegaanada maamulkaasi.

Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo la xiriira howl-galladaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada ammaanka ee Puntland.

Al-Shabaab oo ku xoogan dhulka buuraleyda ee Bari ayaa inta badan weeraro xoogab ka fuliso deegaanada Puntland, gaar ahaan magaalooyinka waa weyn ee maamulkaasi.

The post Ciidamada Puntland oo hub iyo qaraxyo ku qabtay gobolka Bari appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this