Sign in to follow this  
Deeq A.

Tobaneeyo Ka Tirsan Ururka Akhwaanul-Muslimiin Oo Xukun Lagu Riday

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Qaahira)-Maxkamadda Rayidka ee ugu sarraysa dalka Masar waxay taageertay xukun hore loogu riday 12 xubnood oo ka tirsan Ururkaasi oo laga mamnuucay dalkaasi.

Ilo Garsoorka ayaa sheegay in Eedeysanayaasha lagu helay inay xidhiidh la lahaayeen dil-wadareed lagu dilay Askar ka tirsan Ha’addaha Ammaanka ee dalkaasi sannadkii 2013-kii.

Xubnaha dilka lagu xukumay oo aan Rafcaan ka qaadan Karin Xukunkaasi waxaa ka mid ahaa Maxamed El-Beltagi oo hore uga tirsanaa Barlamaanka Masar iyo Osaama Yaasiin oo isna Wasiir soo noqday.

Bishii April ee la soo dhaafay, ugu yaraan 9 ka tirsan Ururkaasi ayaa lagu fuliyey Xukun Dil ah, kadib markii eedeeyey weerar lagu qaaday Saldhig Bolis, oo 13 Askari lagu dilay.

Ururka Walaalaha Muslimiinta Masar ama Akhwaanul-Muslimiinka Masar waxaa la asaasay sannadkii 1928-kii , waxayna mar ka mid noqdeen Mucaaradka dalkaasi, inkastoo markii dambe gebi ahaan Dhaqdhaqaaqooda laga mamnuucay dalkaasi.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this