Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Doorashada Maayirka Berbera

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Berbera)-Ammaanka magaalada Berbera ayaa saaka aad loo adkeeyay iyadoo inta badan dariiqyada magaalada lagu daadiyay Ciidamo sida ay ku soo warramayaan Wariyeyaasha ku sugan magaalada Berbera.

Xubnaha cusub ee golaha Deegaanka Berbera ayaa dooran doona Maayir iyo ku-xigeen haddii aan wax isbedelin waxa xilka Maayirnimo tartan adagi ku dhexmari doonaa Maxamed Dable, oo ah Ganacsade siyaasadda ku soo biiray iyo Cabdishakuur Ciddin, oo hore Maayir uga ahaa magaalada.

Wasiirro xukuumadda ka tirsan ayaa ku sugan magaalada, sidoo kale xubno mucaaradka ka tirsan ayaa iyana jooga magaalada.

Xildhibaannada ayaa hadda galay hoolka ay doorashada ka dhacayso

Midkasta Kitaab Qu’raan ah ayaa miiska loo sii saaray Mudanayaasha golaha Deegaanka Berbera oo inta maanta la dhaariyo iska dhex dooran doona Maayir iyo ku-xugeen.

201167492_538768174211732_16060382627950

Garabka Cabdishakuur Ciddin, ayaa ka hor inta aanay gelin hoolka lagu dooranayo Maayirka iyo ku-xigeenka Berbera sawirkan iska soo qaaday.

201963921_538775694210980_25458196803161

Kala soco Somalilandtoday oo isha ku hay mar kasta

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this