Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaabkii Ay U Dhacday Coddaynta Doorashada Maayirka Iyo Maayir Ku-Xigeenka Berbera

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Berbera)-Maayirka magaalada Berbera ayaa loo doortay Cabdishakuur Ciddin halka ku-xigeenkiisana loo doortay Nuur Cadde.

Qaabkii ay u dhacday doorashada maayirka iyo maayir ku-xigeenka Berbera:

Fadhigii saaka waxa ka soo xaadiray 11 xubnood

Cabdishakur Maxamuud Xasan (Cidin) oo u tartamayay maayirka Berbera waxa u coddeeyay oo gacanta u taagay 7 xildhibaan

Cabdirashiid Maxamed Xaaji Yuusuf oo u tartamayay maayirka Berbera waxa u coddeeyay 4 xildhibaan

Xildhibaan Nuur Cabdi Jaamac (Nuurcade) oo u tartamayay maayir ku-xigeenka Berbera oo waxa u codeeyay oo gacanta u taagay 7 xildhibaan

Aadan Sahal Ducaale (Aadan Dheere) oo u tartamayay maayirka ku-xigeenka Berbera waxa u codeeyay 4 xildhibaan.

Waxa xusid mudan in Musharraxii hore u shaaciyay in u tartamayo maayirka Berbera Maxamed Dable, ayaan isagu iman goobta Doorashada.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this