Sign in to follow this  
Deeq A.

“KULMIYE Waxa Uu Doonayaa In Uu Ku Mitido Berbera, Gebilay, Iyo Laascaanood Oo Keliya….” Cali Guray

Recommended Posts

Deeq A.   

ISBEDELkA CUSUB

Todobada degmo ee Grade A waxa loo badinayaa in inta badan ay mucaaridku isku shubtaan oo ay ku guulaysan doonaan Maayaradooda iyo weliba ku xigeenadooda oo dhan. Kulmiye waxa uu doonayaa in uu ku mitido Berbera, Gebilay, iyo Laascaanood oo keliya. Taas oo markaa noqonaysa guushii labaad ee Mucaaridku ka gaadho doorashada weliba marka ay isku helaan Hargeysa oo caasimadii ah iyo Burco oo caasimadii labaad ah.

Somaliland in kasta oo madaxbanaanida Dawladaha Hoose ay sharci ahaan xadidan tahay hadana lagama filayo in degmooyinka ay maayarada iyo ku xigeenadooduba ka soo jeedaan xisbiyada mucaaridku ay ku wareegi doonaan xisbul xaakimka, sidii hore u dhici jirtay. Taas oo keeni karta in khilaafyada golayaasha qaarkood uu si cad u muuqan karo ka dib marka ay is doortaan, xidhiidhka wada shaqaynta ee ka dhexeeya degmooyinka golayaasha uu mucaaridku hogaaminayo iyo Dawladda Dhexe ayaa laga fili karaa in  aanu sidii hore noqon doonin balse sharciga ayuun baa muhiim ah in loo wada hogaansamo.

Berbera in kastoo mucaaridku ay sheegayaan in ay ku gacan sareeyaan hadana waxa jira ilo wareedyo muhiim ah oo beeninaya waana isla berri hadii Alleh yidhaa waxa ay kala caddaan doontaa. Hadii Kulmiye laga qaado Berbera waxa markaa sida la filayo gacantiisa ku soo hadhi doona Gebilay iyo Laascaanood oo keliya.

Degmooyinka Grade A

Hargeysa    Mucaaridka

Burco.           Mucaaridka

Ceerigaabo Mucaaridka

Berbera     Kulmiye

Gebilay.     Kulmiye

Laascaanood Kulmiye

W/Q Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray)

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this