Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya Oo Dib U Fureysa Safaaradeedii Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay dib u fureyso safaaradeedii ay ku laheyday Muqdisho, iyadoo safiirkii Soomaaliya ee Nairobi ka codsatay in uu dib ugu soolaabto shaqadooda.

Qoraal ka soo baxay dowladda kenya ayaa lagu sheegay in ““Iyadoo laga duulayo daris wanaagga, Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya waxay ugu baaqeysaa Jamhuuriyadda Kenya in ay dib u furto howlihii diblomaasiyadeed ee ay ka wadday Soomaaliya, Dowladda Federaalka Soomaaliyana ay si is-daba-joog ah safaaradda uga furayso Kenya. Dib u soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed oo buuxa waxay bilow wanaagsan u noqon doontaa bilowga wadahadalada labada dal u dhexeeya.”

Hadalka Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya ayaa imaanaya xilli maalma ka hor ay sheegtay dowladda Soomaaliya in ay soo celisay xiriirkeedii kala dhaxeyay Kenya .

Hoos Ka akhriso qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda Kenya .

Sa-3-783x1024.jpg

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this