Sign in to follow this  
Deeq A.

Deg Deg: Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay xero ku taalla Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah Muqdisho, gaar ahaan xero ciidan oo ku taalla, halka loo yaqaano Warshadda Nac-Naca ee degmada Wadajir.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu fuliyey qof isku soo xiray walxaha qaraxa, kaas oo beegsaday dhalinyaro loo diyaarinayey ciidamo, si loogu tababaro xeradaasi.

Wararka ayaa sheegaya in khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay qaraxaasi, waxaana haatan socda gurmad loo fidinayo askarta ay waxyeelada soo gaartay.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo xerada oo isku geedaamay, isla-markaana wada baaritaano dheeraad ah.

Wixii soo kordha kala soco: caasimada.net

The post Deg Deg: Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay xero ku taalla Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this