Sign in to follow this  
Deeq A.

Kal-fadhiga 48 aad ee Baarlamanka Puntland oo maanta furmaya

Recommended Posts

Deeq A.   
Dani-puntland-2-1.jpg?resize=1000%2C667&

Kal-fadhiga 48-aad ee Golaha Wakiilada Puntland, ayaa sida qorshaysan maanta oo Talaado ah ka furmaya xarunta Baarlamanka ee Caasimadda Garoowe.

Kal-fadhiga waxa si rasmiya u furi doona, Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, islamarkaana wuxu ka jeedin doonaa khudbaddiisa waxqabad ee mudadii u dhexaysay labada Kal-fadhi.

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale la filaya in uu ka hadlo qorshayaasha kala duwan ee u degsan xukuumaddiisu in ay fuliso, gaar ahaanna barnaamijka doorashooyinka xisbiyada badan.

Baarlamanka waxa horyaalla ajandayaal kala duwan, oo ay ku jiraan doorashada xubnaha Aqalka sare iyo ka doodista heshiiska horumarinta dekedda Boosaaso ee DP World oo aan waxba ka fulin.

PUNTLAND POST

The post Kal-fadhiga 48 aad ee Baarlamanka Puntland oo maanta furmaya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this