Sign in to follow this  
Deeq A.

Guux ku saabsan mooshin oo ka jira Baarlamanka Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Iyadoo uu maanta furmayo Kal-fadhiga 48-aad ee Baarlamanka Puntland, ayaa waxa soo baxaya guux ku saabsan abaabulka mooshin ka dhan ah heshiiska DP World ee dekedda Boosaaso.

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka, oo la soo xiriiray Puntland Post, islamarkaana ka gaabsaday in magacyadooda la xigto ayaa sheegay in ay u-diyaar-garoobayaan mooshin ka dhan ah heshiiska DP World.

Xildhibaannada ayaa ku doodaya in muddada fulinta heshiiska DP World ee lagu heshiiyay ahayd laba oo ka bilaabata maalintii la saxiixay 6 April 2017, balse afar sano kadib aysan waxba ka fulin heshiiskaas, sidaas darteedna ay mooshin ku burinayaan.

Dhinaca kale, xildhibaanno taageersan madaxweyne Deni ayaa aaminsan in arrinta DP World looga dambeeyo xukuumadda, maadaama ay tahay shaqo u taalla laanta fulinta ee dowladda (Executive branch of the government).

Waxa xusid mudan, in aan weli la soo bandhigin qodobada Ajandaha Kal-fadhiga 48-aad ee Baarlamanka, kaas oo u baahan marka hore in la ansixiyo, si loogu shaqeeyo.

PUNTLAND POST

The post Guux ku saabsan mooshin oo ka jira Baarlamanka Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this