Deeq A. Posted June 14, 2021 Ragga xukunka lagu diray Maxkamadda sare ee ciidamada Puntland ayaa maanta oo isniin ah xukun ku diray 18 nin oo la sheegay in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab. 17 nin ayaa lagu xukumay dil toogasho ah, halka nin kale lagu xukumay xabsi daa’in, waxaana xukunku ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Maxkamadda ayaa sheegtay in raggan lagu helay ku lug lahaanshaha ku dhawaad 300 oo ruux oo 13 kii sanno ee u dambeysay siyaabo kala duwan loogu dilay deegaannada Puntland. 5 ka mid ah ragga toogashada lagu xukumay ayaa la sheegay in ay yihiin raggii go’aamin jiray dilalka iyo qarxyada magaalada Gaalkacyo. Raggan waxa horay u soo xukuntay maxkamadda darajada kowaad ciidamada ee gobolka Mudug. PUNTLAND POST The post Gaalkacyo: 17 nin oo dil toogasho lagu riday appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites