Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro iyo wararkii ugu dambeeyay ee dhismaha waddada Muqdisho iyo Balcad

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhismaha Wadada isku xirta Muqdisho iyo Balcad ayaa si habsami leh u socda, iyadoo maalmihii u dambeeyay la bilaabay in qeyb ka mid ah Wadada la saaro laamiga.

Waxaa socda dhismaha illaa 13KM oo laga bilaabay agagaarka Ex Koontarool Balcad, kaasi oo kamid ah dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Balcad.

Dhismaha wadada oo muddooyinkii dambe si habsami leh u socday ayaa waxaa maal-galisay dowladda Qatar oo saaxiib dhow la ah dowladda federaalka.

Qatar ayaa sidoo kale hore u bixisay mashruuca dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo marxalado adag oo uu maray kadib gaba-gabowday, halka midka Muqdisho iyo Balcad uu marayo marxalad bilow ah.

Wadada laamiga ah ee bilowgeeda uu socdo ayaa wax badan ka tari doonta isku socodka magaalada Muqdisho iyo Balcad, oo ay hore ugu dhib qabeen dadweynaha.

199958959_4002687593120075_5601341465559 131390625_4002687609786740_3016234178861 201156053_4002687719786729_2557535741391 199941643_4002687739786727_8240261121182

The post Sawirro iyo wararkii ugu dambeeyay ee dhismaha waddada Muqdisho iyo Balcad appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this