Sign in to follow this  
Deeq A.

Khasaare ka dhashay dab xooggan oo xalay qabsaday suuqa weyn ee Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   
SUUQA-GUBTAY.png?resize=523%2C389&ssl=1

Maamulka iyo Shacabka magaalada Boosaaso, oo iskaashanaya ayaa xalay ku guulaystay in la demiyo dab xooggan oo ka kacay suuqa weyn ee Boosaaso.

Dabka ayaa si adag loo xakameeyay, waxaana ka qayb-qaatay dab-demisyada kala duwan ee ka hawlgala Boosaaso, inkastoo dabkaas uu ka dhashay khasaare kooban.

Carwooyin iyo xarumo Ganacsi ayaa ku gubtay dabkan oo aan weli la xaqiijin waxa uu ka dhashay, sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda hoose ee Boosaaso.

Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale sheegay in baaritaan lagu hayo sababta dhalisay dabka oo halis geliyay suuqa Boosaaso.

PUNTLAND POST

The post Khasaare ka dhashay dab xooggan oo xalay qabsaday suuqa weyn ee Boosaaso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this