Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: 18 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab oo maanta xukun kama dambays ah lagu ridayo

Recommended Posts

Deeq A.   
Maxkamad.jpg?resize=1000%2C649&ssl=1

Maxkamadda sare ee Ciidamada dowladda Puntland, ayaa sida qorshaysan maaanta magaalada Galkacyo kaga dhawaaqaysa xukunka kama dambaysta ah ee 18 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab.

Xubnahan waxa hore dil toogasho ah ku xukuntay Maxkamadda Ciidamada Puntland ee Gobollada Mudug iyo Cayn oo fadhigeedu yahay Gaalkacyo, inkastoo ay Rafcaan ka qaateen xukunkaas.

Sadexdi Asbuuc ee la soo dhaafey ayaa Maxkamadda sare u fadhidey dhegeysiga Xukunki Racfaan qaadashada,, iyadoo Maxkamaddu maanta shaacin doonta go’aanka kama dambaysta ah.

7 Qareen oo kala duwan oo qaar kamid ah ka yimaadeen magaalada Muqdisho ayaa u doodaya xukumanayaasha.

Amniga guud ee Gaalkacyo ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana waddooyinka lagu arkayaa ciidanka Booliiska oo xaqiijinaya Amniga.

PUNTLAND POST

The post Puntland: 18 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab oo maanta xukun kama dambays ah lagu ridayo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this