Sign in to follow this  
Deeq A.

Howlgalka Qaramada Midoobay oo lagu eedeeyay faragelin ay ku hayaan Liibiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha Hirgalinta iyo Ansixinta Dastuurka Liibiya ayaa howlgalka Qaramada Midoobay waxay ku eedeeyeen inuu jabiyey khariidada waddanka iyo arrimaha madax bannaanida Dalka.
Warqad loo dirtay Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Liibiya, aya lagu cadeeyay sida howlgalka Qaramada Midoobay ay xagal daacinayaan hirgalinta dastuurka Liibiya iyo qabashada doorashooyinkii lagu balamay.

Golaha Hirgalinta iyo Ansixinta Dastuurka Liibiya ayaa waxaa la aas-aasay, 17-kii bishii Diseembar ee sanadkii hore, taa oo ay ansixiyeen Madasha Wada-tashiga Siyaasadda Liibiya, Guddigan ayaa ka kooban 17 xubnood oo ay howshooda tahay hirgalinta Dastuurka iyo qabashada doorashooyin ka dhaca dalkaasi.

Marka laga hadlayo carqaladeynta aftida Dastuurka Liibiya, Golaha waxay sheegeen in macluumaadka ay hayaan uu xaqiijinayo in Xaftar uu ku wargaliyay dhammaan hay’adaha caalamiga ah inuu ka soo horjeeda guud ahaanba dajinta dastuurka, sidaana ay ku timid faro galinta howlgalka Qaramada Midoobay.

PUNTLAND POST

The post Howlgalka Qaramada Midoobay oo lagu eedeeyay faragelin ay ku hayaan Liibiya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this