Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo la kulmay wefdi ka socda hay’adda laanqayrta cas

Recommended Posts

Deeq A.   
1-16.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefdi ka socda Hay’adda laanqayrta cas ee ICRC.

Wefdiga waxa hogaaminayay Madaxa Hay’addaas u qaabilsan Galmudug, Puntland iyo Soomaaliland Tim filip ros ayna ka mid yihiin isku-uduwaha amaanka Goobaha shaqada iyo Maaraynta dhibaatooyinka ee Soomaaliya Mr Cyril Juarena iyo madaxa Xafiiska Hayádda ICRC ee Puntland Mr Axmed Siciid.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Madaxda Hayádda ICRC uga mahadceliyey booqashadooda, wuxuuna kadib ka dhegaystay warbixin ay ka siiyeen halka ay marayaan howlaha gargaar iyo bani’aadanimo ee ay ka wadaan deegaanada Puntland.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo la kulmay wefdi ka socda hay’adda laanqayrta cas appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this