Sign in to follow this  
Deeq A.

Safiirka Israel u fadhiya dalka Marocco oo shacabka dalkaasi u diideen in laga kireeyo Guri safaaradu degto+Sababta 

Recommended Posts

Deeq A.   

 Safiirka Israel u fadhiya dalka Marocco oo shacabka dalkaasi u diideen in laga kireeyo Guri safaaradu degto

safiir-yuhuudi.jpg

Safiirka Israel u magacowday dalkaasi Marocco David Govrin ayaa ku dhiban helidda guri goob uu dalkiisa ka dhigto safaarad kadib markii shacabka dalkaasi u diideen in ay ka kireeyaan guryohooda.

Dhammaadka sanadkii hore ayay aheyd markii dalka Marocco uu xidhiidh diblomaasiyadeed la yeeshay Israel kadib dowlado dhowr ah oo carbeed oo wadadaasi maray, waxaana heshiisyadaasi ka shaqeeyay madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Donald Trump.

Safiirkani iyo team-kiisa ayaa muddo lix bilood ah waxa ay ku shaqeynayaan hotelkii ay ka dageen caasimada dalkaasi ee Rabat.

Shirkad u xilsaaran in ay guri usoo hesho safiirka ayaa dhowr jeer caqabado diidmo ah kala kulantay mulkiilayaasha guryaha kuwaas oo markii ay ka war-helaan cidda loo doonayo guryaha iska diiday heshiiska.

Marocco ayaa heshiiska xidhiidhka-soo-celinta Israel ku bedelatay in Mareykanku aqoonsado in Western Sahara ay ka tirsan tahay Marocco.

Marka laga reebo Marocco, sannadkii tagay waxaa heshiis cilaaqaad la saxeexday Israel dalalka United Arab Emirates, Bahrain iyo Sudan.

Masar iyo Jordan ayaa iyagu heshiis la kala galay Israel sanaddadii 1979 iyo 1994.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this