Sign in to follow this  
Deeq A.

Dab Khasaaro Geystay Oo Ka Kacay Suuqa Weyn ee Magaalada Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaarayo magaalada Bosaso ee xarunta gobalka Bari ayaa sheegaya in xalay xilli dambe uu dab xoogan ka kacay suuqa weyn ee magaalada.

Ciidamada dab damiska iyo shacabka ku dhaqan xaafadaha hoostaga suuqa ayaa sameyay gurmad balaaran oo ay ku daminayaan dabka qabsaday suuqa, iyadoo ugu dambeyn ay ku guuleysteen.

Illa iyo hadda macadda waxa uu ka dhashay dabka kacay suuqa wayn ee magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka bari.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in ay gubteen dhowr dukaan oo ku tiillay suuqa magaalada, waxaana ku bur buray dabka hanti fara badan.

Maamulka degmada iyo Laamaha ammaanka ayaana welli ka hadlin dhankooda dabka ka kacay suuqa weyn ee magaala ganacsiyeedka Puntland ee Boosaaso.

Goobjoog News

131290982_4144483808941163_3357582341572 200163816_3562247647208241_6514022170297 l.jpg

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this