Sign in to follow this  
Deeq A.

Rooble, Qoorqoor iyo Guudlaawe oo kulan la qaatay Yamamoto

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16235866927904354.jpg?resize=720%

Ra’iisu Wasaaraha Xukuumadda Federaalka oo ay weheliyaan madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa maanta Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Ambasador Donald Yamamoto.

Kulanka ayaa la sheegay in looga hadlay dardargalinta hanaanka doorashooyinka dalka, arrimaha amniga iyo saameynta uu geystay fatahaada wabiga Shabeelle.

Beesha Caalamaka ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo gaar gaar ah la qaadanaysay madaxda Soomaaliya, iyagoo kala hadlay dhaqangelinta war-murtiyeedkii 27-kii May.

Beesha Caalamka ayaa dhinacyada siyaasadda Soomaaliya caddaadis ku saaraysa dhaqangelinta heshiiskii 27 May ee arrimaha doorashooyinka, oo weli aan sidii la rabay loo fulin.

PUNTLAND POST

The post Rooble, Qoorqoor iyo Guudlaawe oo kulan la qaatay Yamamoto appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this