Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaar Ka Mid Ah Shaqaalihii Ka Shaqaynayay Doorashooyinkii Dalka Ka Dhacay Oo Aan La Siin Lacagtoodii

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Qaar ka mid ah Shaqaalihii ka shaqanayey doorashooyinkii isku sidkanaa ee dalka ka dhacay dhammaadkii bishii hore ayaa sheegay in aan la siin lacagtii ay ku shaqaynayeen ilaa hadda,waxaanay sheegeen in aanay garanayn sababta rasmiga ah ee ka dambaysay arrintan

Shaqaalahan Komishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland ee ka shaqaynayey doorashooyinkii Golayaasha degaanka iyo Wakiillada ee dalka ka qabsoomay dhammaadkii bishii hore ee May 2021-ka ayaa sheegay in aan la siin lacagtoodii,taas oo ay sheegeen in ay ilaa hadda ka maqan tahay.

Geesta kalena Shaqaalahan Komishanka doorashooyinka ee Gobolka Maroodijeex oo ka gaabsaday in magacyadooda la xuso ayaa Wargeyska Waaberi u sheegay in aanay hayn ilaa hadda lacagtii ay ku shaqaynayeen,waxaanay sheegeen in hubiyayaashii iyo Guddoomiye ku-xigeenadii goobaha Codbixinta Gobolka Maroodijeex aan wax lacag ah,kuwaas oo ka hawlgelayey 699 goobood ee codbixinta Gobolka Maroodijeex.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland oo ku saabsan arrintan,marka laga yimaado shaqaalahan Komishanka Doorashooyinka Gobolka Maroodijeex ee sheegay in aan la siin ilaa hadda lacagtii ay ku shaqaynayeen doorashooyinkii Golayaasha Degaanka iyo Wakiillada ee dalka ka dhacay bishii hore.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this