Sign in to follow this  
Deeq A.

Sarkaal sare oo ka tirsanaa Koonfur Galbeed oo Al-shabaab ku biiray

Recommended Posts

Deeq A.   

Al-shabaab ayaa sheegtay in uu dagaallamayaashooda ku biiray sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Warbaahinta Al-shabaab ayaa qortay, in Col. Mustaf Xasan Axmed oo ka goostay ciidamada Koonfur Galbeed uu si rasmiya ugu biiray Al-shabaab, islamarkaana lagu soo dhoweeyay degaanka Garasweyne ee gobolka Bakool.

Sidoo kale, warbaahinta Al-shabaab ayaa sarkaalkaas ka soo xigatay in uu ka carooday dhibaatada ciidamada Itoobiya ku hayaan shacabka Koonfur Galbeed, sidaas darteedna uga goostay maamulkii uu ka tirsanaa.

Col. Mustaf Xasan ayaa sidoo kale ballan-qaaday, in uu wixi hadda ka dambeeya ka-barbar dagaallami doono Al-shabaab, si degaannada Koonfur Galbeed looga saaro ciidamada Itoobiya.

PUNTLAND POST

The post Sarkaal sare oo ka tirsanaa Koonfur Galbeed oo Al-shabaab ku biiray appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this