Sign in to follow this  
Deeq A.

Rooble oo guddi u magacaabay raadinta askartii loo qaaday Eritrea (Aqriso Magacyada)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi soo baara cabashada waalidiinta Soomaaliyeed ee wiilashoodii tababarka loogu qaaday dalka Eritrea, kuwaas oo tan iyo markii dalka laga dhoofiyey aan laga helin xog sugan.

Guddiga uu ra’iisul wasaare Rooble u magacaabay baaritaanka arrintaan ayaa ka kooban shan xubnood waxayna kala yihiin:

1 – Xasan Xuseen Xaaji wasiirka gaashaandhigga Guddoomiye.
2 – Mukhtaar Xuseen Afrax wasiirka arrimaha gudaha Xubin.
3 – Danjire Cabdullahi Axmed Jaamac Safiirka Soomaaliya ee dalka Itoobiya Xubin.
4 – Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage Taliyaha ciidanka xoogga dalka Xubin.
5 – Maxamed Ibraahim Macalimuu Afhayeenka Xukuumadda Xubin.

Tallaabadaan oo ah mid aad muhiim ugu ah waalidiinta Soomaaliyeed ee carruurtooda ku waayey gacanta dowladda ayaa mudo dheer lagula talinaayey inay qaado dowladda, balse hadda ayuu ku dhaqaaqay ra’iisul wasaare Rooble.

Dhawaan waxaa soo xoogeystay warar sheegayey in ciidamo Soomaaliyeed ay ka dagaalameen gobolka Tigray ee dalka Itoobiya, kadib warbixin ka soo baxday hey’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan xuquuqul insaanka oo shaacisay xog ku saabsan arrintaas.

Wixii intaas ka dambeeyey magaalada Muqdisho ayaa marti gelisay mudaharaadyo waaweyn oo ay dhigayeen waalidiinta ay ka maqanyihiin carruurtooda, kuwaas oo maalmihii lasoo dhaafay cabashadooda la hor taagnaa xafiisyada waaweyn ee hey’adaha dowladda.

Sidoo kale waxaa jira dhalinyaro la sheegay inay kasoo goosteen askartii tababarka loo geeyey dalka Eritrea oo maalin ka hor lagu soo bandhigay deegaanada Puntland, kuwaas oo sheegay inay wajaheen nolol adag, iyagoo ku cel-celiyey in loo doodo oo dalka deg deg loogu soo celiyo dhalinyarada saaxiibadood ahaa Eritrea ay uga soo tageen.

Hoos ka akhriso warqadda lagu magacaabay guddiga.

IMG-20210612-WA0091.jpg

The post Rooble oo guddi u magacaabay raadinta askartii loo qaaday Eritrea (Aqriso Magacyada) appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this