Sign in to follow this  
Deeq A.

Degdeg:Dalka Sucuudiga oo War Cusub ka soo saaray Xajka Sanadkan 2021

Recommended Posts

Deeq A.   

Dalka Sucuudiga oo War Cusub ka soo saaray Xajka Sanadkan 2021

 

xaram.jpg
Haramain Sharifain

 

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa maanta ku dhawaaqday in xajka sanadkan loo ogolaan doono kaliya 60,000 oo xujey ah oo ku nool Sacuudiga, taasi oo ka dhigan in dhammaan xujeydii ka iman laheyd guud ahaan caalamka aysan gudan karin xajka sanadkan.

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudiga ayaa lagu sheegay in sababta loogu xadeeyay kaliya 60 kun oo muwaadin oo Sacuudi ama dadka heysta iqaamada dalkaasi ay tahay halista cudurka safmarka ah ee COVID-19 uu wali ku hayo dunida.

Wasaaraddu waxa ay sheegtay in dadka loo ogolaan doono gudashada xajka sanadkan ay da’doodu u dhaxeyn doono 18 ilaa 65 sano jir, islamarkaana ay waajib noqo doonto in ay si buuxda u soo qaateen tallaalka looga hortago xanuunka COVID-19.

Xajka sanadkan ayaa lagu wadaa in uu dhaco bartamaha bisha July ee foodda nagu soo heysa.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this