Sign in to follow this  
Deeq A.

Doodo & Murano ay Sababtay Xildhibaan Ilhan Omar oo ka dhex oogan Xisbiga Dimuqraadiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Doodo & Murano ay Sababtay Xildhibaan Ilhan Omar oo ka dhex oogan Xisbiga Dimuqraadiga

 

Ilhaan Cumar

ILHAN CUMAR

.

Kala aragti duwanaasho xooggan ayaa la sheegay iney ka dhex abuurantay xubnaha xisbiga Dumuqraadiga dhexdooda kaddib marki ay Ilhaan Cumar Israa’iil iyo Mareykanka ay ku sheegtay iney xasuuq geysteen si la mid Xamaas iyo Taalibaan.

Hadalka Ilhaan Cumar oo ku soo beegmay xilli uu xisbiga Dimuqraadiga ee ay ka tirsan tahay uu u baahan yahay midnimo si uu u ilaashado aqlabayiyadda daciifka ah.

2019-kii hadal ay Ilhaan ka sheegtay taageerada siyaasadeed ee ay Washington siiso Israa’iil waxaa ka dhalatay dood toddobaadyo socotay.

Haddaba hadalka ay Ilhan Cumar oo ah xildhibaanad ka soo jeedda dadka laga tirada badan yahay ee gobolka Minnesota ay isku barbar dhigtay Mareykanka iyo Israa’iil iyo ururrada Xamaas iyo Taalibaan xubnaha xisbigeeda waxay khamiisti ka dhex abuurtay kala qaybsanaan xooggan.

Maalintii Isniinta, Ms Omar waxay barteeda Twitterka ku soo qortay “waxaan aragnay gumaadka aan la malayn karin ee ay gaysteen Mareykanka, Xamaas, Israel, Afghanistan, iyo Taliban”.

“Waa inaan u helnaa isla xisaabtan iyo cadaalad dhammaan dhibanayaasha xadgudubyada ka dhanka ah aadanaha,” ayay qortay, xilli ay su’aalo waydiinaysay Xoghayaha Arimaha Dibada Anthony Blinken intii lagu guda jiray dhageysiga gudiga Aqalka Wakiilada.

Isabarbardhigga Ilhaan waxaa ka carooday Dimuqraadiyiinta Yuhuudda ee Aqalka ay Ilhan ka midka tahay ka tirsan. Waxayna sheegeen hadalka Ilhaan ka soo yeeray inuu mid marin habaabin ah.

“Waxay iska indha tirtay farqiga u dhaxeeya dowladda dimuqraadi ah oo shjarciga lagu soo doorto iyo kuwa lugaha kula jira falal argagaixisanimo hadalkeeduna wuxuu ka tarjumayaa naceybka qotoda dheer ee ay qabto iyada oo dooneyso iney qariso ficillada kooxaha argagaixisada” ayey ku yirahdeen qoraalkooda.

Ilhaan Cumar

“Waa wax laga xishoodo asxaabteyda i soo wacda markay u baahdaan taageeradeyda inay hadda soo saaraan qoraal ay ku codsanayaan ‘caddeyn’ iyaga oo I soo wacin,” ayay ku soo qortay Twitter-keeda Ilhan Cumar oo ka mdi ah labada haween ee muslimka ah ee aqlkaasi ka tirsan.

“Bayaankan xambaarsan Islaam naceybka xad dhaafka ah waa mid xadgudub ah. Wuxuuna ka yimid dhibaateynta iyo aamusnaata joogtada ah ee aan arrimahan laga hadlin saxiixayaasha warqaddanna waa mid aan loo dul qaadan karin” ayey sii raacisay.

Qaar ka mid ah saaxibbadeed ay xisbiga Dimuqraadiga ka wada tirsan yihiin oo hadalka Ilhan difaacay waxay sheegeen xubnaha dimuqraadiga ay yihiin dad ay cunsuriyaddu ku weyn tahay.

Cori Bush oo ah xubin aqalka ku cusun waxay barteeda Twitterka ku soo qortay: “Anigu lama yaabbani iney Jamhuuriyiinta ay haweeney madow ah oo xuquuqda aadanaha u doodeysa weeraraan , Balse weerarka noocaasi marka uu ka yimaada dhanka Dimuqraadiyiinta aad ayuu kuu dhaawacayaa.” WAxayna intaa raacisay “In la joogo xilligi la joojin lahaa Islaamka iyo Naceybka dadka Madowga.”

Rashida Tlaib oo ah xildhibaannadlaga soo doorto Michigan oo asal ahaan ka soo jeeddo Falastiin, oo siyaasadda Israa;iil ugu yeerto ‘Midab takoor’ iyo ‘Cunsuri’ ayaa si weyn u difaacday hadalka ka soo yeeray Ilhaan Cumar.

Jamhuuriyiinta iyo qaar ka mid ah Dimuqraadiyiinta ayaa codsday Ilhaan Cumar in laga saaro guddiga arrimaha dibadda ee Golaha, balse hoggaamiyeyaasha xisbiga Dimuqraadiyiinta ayaa codsigaasi diiday.

Ilhaan Cumar oo hadlaysa ka dib guushii ay ka gaartay tartanka aqalka Koongareeska
Ilhaan Cumar oo hadlaysa ka dib guushii ay ka gaartay tartanka aqalka Koongareeska

Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo katirsan aqalka Kongreska ee dalka Mareykanka ayaa bishii Fabraayo ee sanadkan 2021-ka loo magacaabay Gudoomiye kuxigeenka guddi hoosaadka awoodda u leh arrimaha Afrika iyo arimaha xuquuqul insaanka caalamka.

Mar sii horreysayna Ilhan waxay sheegtay inay si gaar ah u danaynayso “inay kormeerto arrimaha gargaarka caalamiga ah iyo siyaasadda dibadda” ee Afrika.

Ilhan ayaa horay uga mid ahayd guddiga arrimaha dibedda ee aqalka Kongareska inkasta oo dadka dhaleeceeya ay horay ugu baaqeen in laga saaro kadib hadalo si weyn loo dhaliilay oo ay jeedisay sanadkii 2019-kii oo ku saabsanaa saameynta siyaasadeed ee Isra’iil ku leedahay Maraykanka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this