Sign in to follow this  
Deeq A.

Saddex Qof oo Lagu Dilay Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar lagu dilay ilaa saddex qof oo ka tirsanaa dadka deegaanka ee magaalada Dhuusamareeb, caasimadda maamul goboleedka Galmudug.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xalay rag hubeysan ay rasaas ku fureen dad iska caweynayey halkaas oo ay ku dileen saddex qof, halka labo kale ay dhaawaceen.

Inkasta oo ciidamada amniga ay goobta tageen baarinka sameeyeen, hadana waxaa la sheegayaa in raggii dilka geystay ay baxsadeen, ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this