Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhimasho iyo dhaawacyo ka dhashay weerar caawa ka dhacay Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online)- Wararka aan ka heleyno magaalada Dhuusamareeb waxay sheegayaan in ilaa seddax qof lagu dilay bartamaha magaalada, halka ugu yaraan laba qof oo kale ay dhaawacyo soo gaareen.

Dadkaan oo dhamaantood rag ah ayaa lagu rasaaseeyey goob ay ku sugnaayeen oo qaadka lagu iibiyo oo ku taalla bartamaha magaalada.

Rag ku hubeysanaa qoryo AK-47 ah ayaa geystay weerarkaan, sida ay Caasimada Online u sheegeen dad goobjoogayaal ah

Weli heybtooda lama garan ragga fuliyey weerarkaan oo goobta ka baxsaday.

Ciidamada ammaanka ee ka howlgala Dhuusamareeb ayaa haatan gudaha magaalada ka wada howlgallo balaaran oo lagu baacsanayo raggii fuliyey weerarka khasaaraha nafeed geystay ee caawa ka dhacay caasimadda Galmudug.

 

The post Dhimasho iyo dhaawacyo ka dhashay weerar caawa ka dhacay Dhuusamareeb appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this