Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga Waddani oo ka hadlay hanka mayor nimo ee Cabdikariim Axmed Mooge

Recommended Posts

Deeq A.   
Xisbiga Waddani oo ka hadlay hanka mayor nimo ee Cabdikariim Axmed Mooge
 2021611637589933819982802.jpg
Afhayeenka xisbiga Waddani Barkhad Jaamac Batuun, ayaa sheegay in axsaabta mucaaradku anay kasoo horjeedin hanka mayornimo ee Cabdikariim Axmed Mooge Liibaan.Afhayeenka ayaa sheegay in xisbiga Waddani uu soo saaray Cabdikariim ayna taageersanyihiin hankiisa.

“Dareenka soo baxaya ee sheegay in axsaabta mucaaradka ahi anay arrinta Cabdikariim kawada sinayn, taas waxan leeyahay waa arrin aan meesheeda leekayn” ayuu yidhi.

“Cabdikariim abuurkiisa siyaasiga ahi wuxu ku yimid rabitaanka iyo ogolaanshaha guddoomiyaha xisbiga Waddani”.

Cabdikariim 8 xildhibaan ee uu wataaba waa mucaarad, lama hayo hal xildhibaan oo muxaafad ah oo taageersan” ayuu hadalkiisa ku daray.

Afhayeenka ayaa sheegay in uu aad ugu niyadsanyahay in Cabdikariim noqon doono mayorka caasimada Hargaysa.

“Alle dayici mayo dadaalkii ay sameeyeen dadka gobta ah ee gobolka maroodi jeex, waxanan isleeyahay Alle xagiisa ayaa laga aqbalay, rajo wayn baanan ka shakhsi ahaan ka qabaa in Cabdikariim uu noqon doono mayorka caasimada” ayuu yidhi.

Cabdikariim Axmed Mooge Liibaan oo ahaa xildhibaankii ugu codka badna abid doorashooyinka Somaliland, ayaa loolan adag ugu jira sidii uu u noqon laha mayor ka caasimada Hargaysa.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this