Sign in to follow this  
Deeq A.

Nabadoonno ku geeriyooday Garowe

Recommended Posts

Deeq A.   
PhotoCollage_20210611_005315849.jpg?resiMarxuum Maxamed Qoorad (bidix), marxuum Abshir Caydiid (midig)

Allaha u naxariistee, waxaa saacadihii la soo dhaafay maagalada Garowe ku geeriyooday Nabadoon Maxamed Diiriye Qoorad iyo Nabadoon Abshir Caydiid Soodhakhsade.

Nabadoon Maxamed Diiriye Qoorad ayaa galinkii dambe ee maanta oo khamiis ahayd geeriyooday, halka Nabadoon Abshir Caydiid Soodhakhsade uu caawa fiidkii geeriyooday.

Labada Nabadoon ayaa kamid ahaa nabadoonnada soo jireenka ah ee gobolka Nugaal.

Labada marxuum ayaa lagu wadaa in berri oo Jamce ah lagu aaso beer ku taalla duleed Bari ee magaalada Garowe.

PUNTLAND POST

The post Nabadoonno ku geeriyooday Garowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this