Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhalinyaro kamid ah askartii DF u qaaday Eritrea oo ka soo baxsaday iyo xog ay shaaciyeen + VIDEO

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Dhalinyaro ka tirsan askartii ay dowladda federaalka Soomaaliya tobabarka ugu qaaday dalka Eritrea ayaa kasoo baxsaday xeryihii ay ku jireen.

Dhalinyarada oo maanta warbaahinta kula hadlay Garoowe ayaa sheegay in markii hore laga qaaday magaalada Muqdisho, islamarkaana loo sheegay in tobabar loo geynayo dalka Qatar, kadibna laga dejiyay Eritrea.

Waxay sheegen in dowladda federaalka ay qaaday dhalinyaro ku dhow 5,500 oo Askar, kuwaasi oo kala ahaa dhowr dafcadood oo kala dambeeyay, sida ay warbaahinta u sheegen.

Dhalinyarada oo socdaal dheer oo dhulka ah kusoo soo maray gobolada Itoobiya ayaa ugu dambeyntii soo gaaray magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland.

Sidoo kale waxay sheegen intii ay ku jireen xeryaha tobabarka ay la kulmeen tacadiyo kala duwan oo iskugu jira jirdil iyo cago jugleyn, taasi oo markii dambe ay u adkeysan waayen, oo keentay inay kasoo baxsadaan.

“Waxaa nagala qaaday magaalada Muqdisho waxaa markii hore naloo sheegay in nala geynayo Qatar, balse waxaa nagala dejiyay Eritrea,” ayuu yiri mid kamid ah dhalinyarada askarnimada loogu qaaday Eritrea ee soo baxsaday.

Ugu dambeyntiina waxay baaq u direen waalidiinta ay carruurtooda kaga maqan yihiin Eritrea, “Alxamdulilh waxaa imaanay dhulkeeni hooyo socdaal dheer kadib, waxaa waalidiinta ay ka maqan yihiin dhalintooda si deg-deg ah ugu baaqeyna inay jiriyaan.”

Hoos ka daawo muuqaalka

The post Dhalinyaro kamid ah askartii DF u qaaday Eritrea oo ka soo baxsaday iyo xog ay shaaciyeen + VIDEO appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this