Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Kenya oo dib u fasaxday duullimaadyada Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya ayaa shaacisay in ay dib u furtay duulimaadyadii dalkaas uga iman jiray Soomaaliya iyo kuwii tegi jiray.

Kenya ayaa duulimaadyada Soomaaliya hakisay muddo saddex bilood ah 11-kii May, balse waxay ka reebtay duulimaadyada caafimaad, kuwa diblomaasiyadeed iyo kuwa gargaarka bani’aadannimada.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya ayaa lagu sheegay in ay go’aanka qaadatay, ayada oo la eegayo dhex-dhexaadin la sameeyey. Kenya ma shaacin cidda sameysay dhex-dhexaadinta.

Kenya ayaa sheegtay in shuruurdda kaliya ee laga doonayo dhammaan dadka ka imanaya Soomaaliya ee soo galay Kenya ay tahay in ay sitaan shahaadada tijaabada COVID-19 ee muujineysa in aysan xanuunka qabin, marka laga reebo ilmaha da’doodu ka yar tahay shan jirka.

3-8.jpg?resize=461%2C600&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Dowladda Kenya oo dib u fasaxday duullimaadyada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this