Deeq A. Posted June 10, 2021 Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya ayaa shaacisay in ay dib u furtay duulimaadyadii dalkaas uga iman jiray Soomaaliya iyo kuwii tegi jiray. Kenya ayaa duulimaadyada Soomaaliya hakisay muddo saddex bilood ah 11-kii May, balse waxay ka reebtay duulimaadyada caafimaad, kuwa diblomaasiyadeed iyo kuwa gargaarka bani’aadannimada. War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya ayaa lagu sheegay in ay go’aanka qaadatay, ayada oo la eegayo dhex-dhexaadin la sameeyey. Kenya ma shaacin cidda sameysay dhex-dhexaadinta. Kenya ayaa sheegtay in shuruurdda kaliya ee laga doonayo dhammaan dadka ka imanaya Soomaaliya ee soo galay Kenya ay tahay in ay sitaan shahaadada tijaabada COVID-19 ee muujineysa in aysan xanuunka qabin, marka laga reebo ilmaha da’doodu ka yar tahay shan jirka. PUNTLAND POST The post Dowladda Kenya oo dib u fasaxday duullimaadyada Soomaaliya appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites