Deeq A. Posted June 10, 2021 Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xasan Gacaliye ayaa Warbixin la Xiriirta howlgalada Ciimada, waxa uu ka dhegaytayTaliye Xigeenka Milatarga Janeraal Cabaas Amiin Cali. Janeraal Cabaas Amiin ayaa u sheegay Wasiirka Gaashaandhigga in Ciidanka howlgallo qorsheysan ay ka wadaan labada Shabeelle iyo qaar ka mid ah Gobalada dalka si looga saaro Ururka Al-Shabaab. Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in howlgalaldii ugu dambeeyay ee labada Shabeelle ay ciidamada khasaare xoogan ku garsiiyeen Al-Shabaab, isla markaana howlgallada ay noqon doonaan kuwo si joogta ah u sii socda. Wasiiirka Gaashaandhigga ayaa boogaadiyay guulaha Ciidamadu ka gaareen Al-shabaab, isagoo tilmaamay in Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Milatariga ay ka go’antahay in Al-shabaab laga sifeeyo dalka. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo ka warbixisay hawlgallada Ciidamada appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites