Sign in to follow this  
Deeq A.

Eng Maxamed Xaashi oo ka hadlay Doorashadii dalka ka Dhacday 

Recommended Posts

Deeq A.   

Eng Maxamed Xaashi oo ka hadlay Doorashadii dalka ka Dhacday

Wasiirkii-hore-ee-wasaaradda-maaliyadda-

Wasiirkii hore ee wasaaradda maaliyadda Eng Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa sheegay in doorashooyinka Isku sidkana ee goleyaasha deegaanka iyo wakiilladu ay Somaliland u suurto-galinayso aqoonsi Caalami ah oo ay hesho.

Sidoo kale Eng Maxamed Xaashi waxaa uu sheegay in doorashadani ahayd tii ugu horreeyey nooceeda ee dalka ka qabsoonta maadaama Isku mar la qabtay doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo wakiillada isla markaana ay codbixiyeyaashu uga qayb-qaateen si ka duwan qaabkii ay markii hore ugu codeyn jireen xildhibaannada la dooranayo.

Eng Maxamed Xaashi Cilmi oo arrimahaasi si faahfaahsan uga hadlaya waxaa uu yidhi.  “Doorashada inoo dhacday ee meel walba laga ammaanayay waxaan filayaa in ay ictiraafkeeni soo dhaweynayso, oo maanta wax lagu gagabado iyo Soomaaliya ee ka uiba daba wada in ay ka baxday meesheedii taasina waa ILLAAHEY mahadii.

Marka annigu waxa aan ku talin lahaa sidaa wanaagsan ee ay doorashadu inoogu dhacday aynu ku shaqeyno, oo xisbiyada iyo xukuumaddu arrintaasi ha dabagaleen, ha wadeen waxaana inoo balan ah oo ay wax ku hagaagayaan in ciidamada iyo shaqaalaha la daryeelo si musuq maasuqa iyo baahidu meesha uga baxdo, xisbiyada mucaaridkuna arrintaasi hala socdeen daryeelka shaqaalaha iyo ciidamadu waa wax aynu u baahanaye”

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this